Afarta qodob ee sahlay guushii madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada

By Caasimada Online

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashada Madaxweynaha oo dalka Soomaaliya ka dhacday 15-kii May ku guuleystay cod aqlabiyad ah.

Iyada oo Kursiga madaxweynaha ay u tartamayeen musharrixiin ka badan 30 oo ay ka mid ahaayeen 3 musharrax oo horay madaxweyne u soo noqday.

Guusha madaxweynanimada ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u sahlay arrima ay ka mid yihiin qodobbadan hoos ku xusan.

Farmaajo oo si weyn loo mucaaraday

Waxaa aad u xooganayd oo jirtay aragti ah in qofkii aan Farmaajo ahayn xilka madaxweynenimada loo doorto , waxaana jirtay mucaaradad aad u xooggan oo ka dhan madaxweynaha xilka ka dhammaaday oo ay dad badan u hayeen ay si weyn isugu hayeen dhanka siyaasadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilka madaxweynanimada soo hayey tani iyo 2017-kii waxyaabo wanaagsan oo uu qabtay sida ay u jiraan haddana waxaa jira waxyaabo sababay in Madaxweynaha la mucaarado.

Waxyaabaha lagu mucaaradayna waxaa ka mid ah dhiibista Qalbi-dhagax, isku daygii muddo korosigi ee uu sameeyey iyo xiisadda gobolka Gedo in mudda ah ka taagneed.

Bishii April ee sanadkii hore ayuu Golaha Shacabka ansixiyay labo sano oo muddo kororsi ah oo loogu daray hay’adaha dowladda oo uu ka midyahay madaxweynaha.

Arrintan ayaa timid kadib markii muddo xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday 8-dii feberaayo ee sanadkaas, aysana jirin wax qorshe ah oo meel ool ahaa oo doorasho lagu qabanayay.

Arrintan ayay dhinacyada Soomaalida ee siyaasadda si weyn uga soo horjeedsadeen, waxaana dhacay 19-kii April iska hor imaad shacab iyo mid ciidan oo aad u xoog badan, iyada oo uu dhashay qalqalkii ugu weynaa.

Ugu dambeyntina Golaha Shacabka ayaa ka noqday go’aankii muddo kordhinta ee ay horay u gaareen isla-markaana go’aamiyey dalku inuu doorasho u dareero.

Dareenkan guud ee kooxaha siyaasadda ay ku mideysnaayeen oo ah kasoo horjeedka Farmaajo ayaa qof kasta oo wareegga labaad ee doorashada imaada ama ay isku soo haraan Farmaajo wareegga ugu dambeeya u sahlayay in uu helo fursado waaweyn.

Farmajo inta uu xilka hayey khilaafka siyaasadeed ee ugu weynaa ee soo maray wuxuu ahaa arrinta Gobolka Gedo oo si aad ah ay madaxweynaha isugu qabteen Dowlad Goboleedka Jubbaland, dhowr marna ay ka dhaceen dagaallo ay dhiig ku daateen. Arrintan ayay u egtahay in madaxweynaha fadhiya uu ku lumiyay 16 kursi oo lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii ay shaqayn weysay in wax lagu doorto magaalada Garbahaarey.

Koox culus oo siyaasiyiin oo garab u ahayd

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud intii uu ololaha doorashada soo waday wuxuu garab xooggan uu ka helayey Siyaasiyiin culus oo saameyn ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya.

Dadkan oo dalka kasoo qabtay xilal kala duwan ayaa iskood u lahaa saamayn siyaasadeed oo mid kasta oo ka mid ah uu ku kasban karay codad , codadkaas oo markii dambe isugu soo biyo shubtay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud. Gaar ahaan markii lasoo gaaray wareegii labaad iyo kii sedexaad oo dadka la kala xulanayay ay aad usoo yaraadeen.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale ka kala yimid gobolada iyo beelaha kala duwan, taas oo u sahashay in ay cod ka helaan deegaan-doorashooyinka intooda badan.

Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyp Puntland xiriirka kala dhaxeeyey dowladda uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo oo aad u xumaana Xasan Sheekh waxay u sahashay iney madaxda dowlad gboleedyadaasi uu garabsado.

Waxaa sida oo kale garab u ahaa siyaasiyiin ay isku heyb yihiin oo si weyn uga soo horjeeday siyaasadda uu Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo dalka Soomaaliya uu ku hagayo.

Olole xooggan oo socdey 3 sano

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in guusha intaa le’eg uu ka gaaro doorashada madaxweynaha ee dalka Soomaaliya waxyaabaha u sahlay waxaa ka mid ah olole aan kala joogsi lahayn uu madaxweynaha soo waday muddo laba sano ka badan.

Ololahaasi oo uu ka waday magaalada Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada dalka Soomaaliya qaarkood, wuxuuna si shaqsiyan ah dadka uga gaday siyaasadihiisa, nidaamka dowladnimo ee uu doonayo iyo taageerada uu u hayo habka federaalka ee uu dalka ku dhaqmo, taasoo ahayd arrin ay u guuxeen beelo badan oo markii horeba shaki ka qabay dowlad dhexe oo xoog badan.

Xasan ololahiisa doorashada wuxuu halku dhig uga dhigay ‘Somaali heshiis ah caalamkana heshiis la ah’, tanina waxa ay ahayd arrin kale oo ay dadka ka dhex arkeen xasilooni siyaasadeed, maamul gacan dabacsan , kuna dhisan wada hadal.

Isbahaysiga Musharixiinta

Madaxweyne Xasan wuxuu ka mid ahaa Golaha Midowga Musharrixiinta oo intii uu Farmajo muddo korosiga sameeyey dagaal siyaasadeed oo xooggan. Waxa ugu weyn ee ay heshiiska ku ahaayeen musharixiinta ayaa ah in qofka fursadda yeesha codadka la’isugu geeyo wareegga ugu dambeeya, waana sidii dhacday markii uu Xasan soo gaaray wareeggii seddexaad.

Musharrixiinta sida gaarka ah loo tilmaami karo uu Xasan isbahaysiga la sameystayna waxaa ka mid ahaa Shekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdi shakuur, Cosoble iyo Musharriixn kale.

Wareegga labaad marki ay doorashada isugu soo hareen Musharrixiinta kala ah Xasan Sheek Maxamuud, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre musharrixiinta waxay iisu baheysteen si ay Farmaajo mesha uga saaraan iney codkooda isugu geeyaan Xasan Shekh oo wareegga labaad ay isugu soo hareen Farmaajo.

Ugu dambeyntina Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u suura gashay inuu kursiga madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya uu ku guuleysto isaga oo helay 214 cod halka Farmaajana uu helay 110 cod, iyada oo ay doorashada u codeeyee 328 xildhibaan ee labada ee baarlamaanka Soomaaliya.

Isha: BBC SOMALI