Dhageyso: Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshihiisa 100-ka maalmood ee ugu horreeya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay shaaciyay qorshihiisa 100-ka Maalmood ee u horeysa iyo howlaha hortabinta leh ee dowladiisu qabaneyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay idaacada VOA-da ayaa sheegay in uu dalka ka dhaqan-geli doono tallaabooyin dhanka amniga ah, xasilooni siyaasadeed iyo dib u soo kabida dhaqaalaha dalka.

“Waxaa rabna 100-ka Maalmood gudahood in aan dib u eegis ku sameynay hay’addaha amniga, sharciyadooda oo aad u gaboobay. Waxaa rabna in aan heshiis guud oo dowlada iyo dowlad goboleedyada dhexmara oo lagu Federaaleynayo arrimaha muhiimka ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha amniga ay muhiimad gaar ah siin doonaan, islamarkaana ay hirgelin doonaan qorshayaal kor loogu qaadayo amniga dalka, gaar ahaan midda caasimada.

“Magaalada in aan xaqiijino ayaa rabna inay amni noqoto, si aan u xaqiijino amniga Muqdisho dhexdeeda Muqdisho kuma xaqiijin karno labada Shabeelle iyo banaankana waa ka xaqiijineyna. Arrimaha amniga oo dhan cidkasta oo naga saacideysana waa soo dhoweynayna.”

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay sidoo kale dib u eegis ku sameyn doonaan qorshe looga gudbayo nidaamka doorashada dadban oo aan dhaqan-gelin, si looga gudbo doorashada dadban ee khilaafka badan.

“Dadka Soomaaliyeed ma jeclin in sida ay wax u dhaceen ee nidaamka doorashada dadban ee khilaafka badan in uu ku soo noqdo. Marka uu dhamaanayao muddo xileedkeena 2026, nidaam dadku isku raacsan yihiin oo ka duwan doorashada dadban ayaa la iman doona.”

Hoos ka dhageyso wareysiga