Daawo: Saciid Deni oo soo jeediyey arrin ku saabsan heshiiskii 17-ka September

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyey gabagabada shirkii madaxsha aragti wadaagga ee ka dhacay magaalada Garowe ayaa baaq u diray madaxda dowaldda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Baaqa madaxweyne Deni ayaa ku qotomay in la isugu yimaado shir kale oo la mid ah kii 17-kii September , si buu yiri xal looga gaaro khilaafka ragaadiyey doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin marti gelinta shirkaas, hadii goob kale lagu qabanayana ay diyaar u yihiin inay tagaan oo ka qeyb galaan.

“Waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in la isugu yimaado shirkii 17-kii September lagu heshiiyey oo kale, hadii Garowe lagu qabanayo diyaar ayaan u nahay, hadii meel kale lagu qabanayana diyaar ayaan u nahay, laakiin muhiimadu waa in la xaliyo waxa taagan,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay nabad geliyada ku fara adeygaan oo doorasho aysan dhaafin iftiinka nabadda ee haatan u soo baxaya.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inaan fidno colaadeed la kicin, waxa la isku hayo waa doorasho – doorashaduna waa wax sanduuq lagu rido, kaambeynkuna waa hadal, qori boos uma banana saan filaayo, marka anigu waxaan qabaa qoryaha waa weyn in la iska dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Waxa uu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Qoor Qoor ay dhawaan magaalada Gaalkacyo ka bilaabeen iskaashi uu sheegay in haatan uu meel fiican u maraayo, isla markaana uu faa’iido u ahaa shirkan ka dhacay magaalada Garowe.

“Aniga iyo madaxweyne Qoor Qoor shirkii Gaalkacyo ka dhacay shaqa badan ayaan dusha u ridanay meel fiican ayey noo mareysaa oo shirarkan Garowe ka dhacay fursad ayey noo ahaayeen, oo habeen iyo maalin shirar kale ayaa socda oo la isugu soo dhawaanayo, markan anaga oo kala meteleyna dhinacyada doorashada isku haya waxaa rajo weyn ku qabnaa in wax kasta oo jira la iska qancin doono,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Hoos ka Daawo