Meydka askari Shabaab ka diiday inuu u tago oo lasoo dhigay xaafad Muqdisho ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Allah ha u naxariistee waxaa xaafadda Sanca dhinaca degmada Shibis ee Gobalka Banaadir lagu arkay meydka Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay maalmo ka hor u waceen Al-Shabaab lana sheegay inuu ka diiday u tagistooda.

Askarigaan ayaa la sheegay inuu muran kala dhaxeeyay dad ay isku haysteen hanti, halka wararka qaarna ay sheegeen in ay ka dacwoodeen dad lacag ku lahaa kadibna uu sheegay in uusan isku aamin karin Al-Shabaab.

Koox isku sheegtay xafiiska garsoorka Al-Shabaab ayaa askariga ugu yeeray inuu yimaado gobalka Shabeellada Hoose, balse waxa uu sheegay in uusan u imaan karin cabsi uu ka qabo aawgeed.

Askarigaan oo la aaminsan yahay in laga soo watay xaafad kale ayaa lagu dilay Isgoyska Sanca dhinaca degmada Shibis, waxeyna dadka degaanka is weydiiyeen arrintaan oo cabsi badan ku abuurtay.

Ilaa hada ma jirto cid faah faahisay hase yeeshee Al-Shabaab ayaa si weyn Muqdisho ugu dhibaateeyo dadka diida amaradooda, haddii ay yihiiin shacab, ganacsato ama ciidan.