Khasaare ka dhashay weerar caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar la sheegay inuu fuliyey nin ku hubeysnaa Bamo gacmeed oo caawa ka dhacay fariisin ay askar ka tirsan booliska Soomaaliya ku leeyihiin suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in la toogtay ninkii fuliyey.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa toogtay ninkaas oo la aaminsanyahay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii uu bambada nooca gaanta laga tuuro ku weeraray goob ay ku sugnaayeen.

Ilaa laba qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka uu fuliyey ninkaas oo markii dambe la dilay.

Ciidamada ayaa rasaas furay markii lagu weerar bam gacmeedka, balse dad ku sugnaa goobta ayaa sheegay in ninka oo baxsad ah ay mar dambe toogteen dhalinyaro dharcad ah oo ku sugnaa agagaarka isgoyska Howlwadaag.