Daawo: Saciid Deni oo weerar culus ugu jawaabay Xasan iyo Xamza

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar culus uga jawaabay hadalo kasoo yeeray madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa khudbad u jeedinayay isku soo baxyo ka dhacay Gaalkacyo oo qeyb ka ahaa doorashooyinka lagu muransan yahay ayaa waxa uu ku eedeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu federaal diid yahay, haddana uu kasoo horjeedo dimuquraadiyeynta Puntland, sida uu sheegay.

“Xasan Sheekh federaal diidnimada waxa uu ku darsadey dimuqraadiyad diidnimo, naceybka kusoo duulay Laascaanood ka yeeli mayno inay burburiyaan Puntland,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Deni.

Waxaa uu intaas sii raaciyay “Muuse Biixi hadaladii uu shalay ka yiri Baarlamaanka waa wax ay isla ogaayeen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh. Marnaba cidna uga heebaysan mayno in aan difaacno sharafta iyo dowladnimada dadkeena.”

Saciid Deni ayaa waxa uu ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu duminayo Laascaanood, uuna hadda kala socdo weerarkii uu dhawaan Muuse Biixi uu ku qaaday maamulka Puntland, inkasta oo uusan soo bandhigin cadeymo xoojinaya hadalkiisa.

“Puntland waxaa ku socda dagaal dheer iyo colaad gaamurtay oo aan loo meel dayin, maalinba maalinta ka dambeysa waxaa noo soo rumowaya waxyaabo meelo qaar lagu soo maleegay. Shirkii saddex geesoodka ahaa ee Laascaanood lagu burburiyey haddana la rabo in Puntland lagu burburiyo farriintiisa waa nasoo gaartey, difaaceeda diyaar baanu u nahay,” ayuu yiri.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu weerar shaqsi ah ku qaaday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo xalay eedeyn culus u jeediyay maamulkiisa, isaga oo uu ku tilmaamay xoghayaha iyo shaqaalaha madaxweyne Xasan.

“Xoghaynta madaxweynaha ee hadda ra’iisul wasaaraha sheegta farriinta uu kusoo faray waan maqalnay. Shaqadiisi (Xamza) madaxweynaha ayaa qaatay mid cid buu shaqo siin karaa,” ayuu yiri Deni oo si yaab leh uga jawaabay eedeyntii uu jeediyay ra’iisul wasaaraha ee aheyd in Puntland ay fashilinayso barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu ka hortagayo nacabka kusoo duulay, isaga oo ku adkeystay inay ka go’an tahay xoreynta gobolka Sool, oo uu hadda ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Hadalka Deni ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu si weyn u dhaliilay maamulka uu hoggaamiyo ka gadaal xiisadda siyaasadeed ee ka taagan halkaasi, islamarkaana uu ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay maamulka Puntland inuu wado fashilinta dadaallada ay wado dowladda federaalka.