Daawo: Beelaha Saleebaan iyo Ajuuraan oo kiis xasaasi ah u haysta Gen. Buulakamey

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beelaha Saleebaan Habargidir iyo Ajuuraan oo maanta si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Soomaaliya.

Odayaashaan ayaa sheegay in heshiis ay ka gaareen kiis dil ah oo ka dhex dhacay labada beelood uu dhinac martay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada Cabdullahi Buulakamey.

Odayaashaan ayaa sheegay in Xeer ilaaliye Cabdullahi Buulakamey uu ku xad gudbay heshiiskii ay gaareen labada beelood ee Saleebaan iyo Ajuuraan.

Waxaa shirkaan jaraa’id lagu soo bandhigay warqado ay horay u kala saxiixdeen odayaasha labada beelood iyo cadeymo muujinaya in diyo la kala qaatay oo xal laga gaaray kiiskaas dilka ah.

Beelahaan waxay xeer ilaaliyaha ku eedeynayaan in heshiiskoodii kadib uu goob lagu dhaqan celinayey kala soo baxay ninkii dilka loo heystay, kadibna uu maxkamadda geeyey oo dil toogasho ah lagu xukumay.

“Waxaan ka cabaneynaa Cabdullahi Buulakamey, heshiiskaan ayaan gaarnay, iyadoo aysan cidna na qasbin ayaan heshiiskaan saxiixnay, waxaa dhacday arrin lama filaan ah oo sharciga aan waafaqsaneyn, markii diyada nala siiyey ayaa wiilkiina dil lagu xukumay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha reer Xaaji Saleebaan.

Dilkaan ay heshiiska ka gaareen labada beelood ayaa bilowgii 2022-kii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, ehellada labada nin ee mid la dilay, midna dilka loo heysto iyo nabadoonada labada beelood ayaa kulankaan ku soo bandhigay heshiiska ay gaareen.

“Beesha reer Xaaji Saleebaanow waa la idku xad gudbay, sharcigana waa loo gefay, waxa dhacayna Ajuuraan idiinma quuro, horaa dad la isaga dili jiray, waxaana laga xaali jiray, laakiin waxaan oo kale horay uma dhicin,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha Ajuuraan.

Oday kale ayaa digniin u diray maxkamadda ciidamada, isagoo ka dalbaday in toogashada ninka xiran aan lagu deg degin, maadaama ay labada beelood diyo kala qaateen, kiiskaas xal buuxa laga gaaray.

Hoos ka daawo muuqaalka