Sawirro: R/W Xamza oo isugu yeeray isku-duwayaasha mashaariicda dalka ka socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulanka isku-duwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socota, si loo dar-dargaliyo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda iyo adeegyadda dowladda ee sannadka 2023-ka.

Shirka ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadyada xukuumadda ee dhinacyada mashaariicda iyo horumarinta arrimaha bulshada gaar ahaan barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo ay hada ka socoto dib u soo noolaynta adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada, isla markaana sanadkan qorshuhu yahay in si dhamaystiran u hirgalaan mashaariicdaasi.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyey xiriiriyaasha iyo iskuduwayaasha mashaariicaha kala duwan shaqooyinkii ay soo qabteen, isagoo tilmaamay sanadkana looga fadhiyo in ay hir galiyaan mashaariico intii hore ka badan oo dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey Khawaariijta oo dadka deegaannada ku dhaqan la tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, Lisa Filipetto.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Marwo Lisa Filipetto ay ra’iisul wasaaraha ugu timid booqasho sagootin ah.

Mudane Xamza ayaa uga mahad-celiyay Ms. Filipetto hawshii ay ka qabatay dalka intii ay madaxda ka aheyd xafiiska yaakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS), isaga oo u rajeeyay mustaqbal wacan.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday saddex arrimood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; sugidda amniga, xasillinta dalka iyo dib u heshiisiinta.

Ms. Filipetto ayaa waxay uga mahad-celisay dowladda federaalka sidii diiraneyd ee ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jirtay hawsheeda.

Ugu dambeyntiina waxay xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Xamza Cabdi Barre ku boggaadisay horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, xasillinta iyo dib u heshiisiinta.