Somaliland oo shaacisay qorshaha ka dambeeya faarujinta saldhigyo dhowr ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay sababta ay ciidamadeedu uga baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood iyo aaggaga ka agdhaw.

Somaliland ayaa sheegtay in ka bixista ciidamadeeda ee goobahaasi uu yahay qorshe ay dhankeeda ku dhaqan-gelinayso xabad joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd oo soo saaray war-saxaafadeed ku qoran luuqada Ingiriiska, ayaa waxa ku sheegay in tallaabadan ay u qaadeen si ay beesha caalamka iyo bulshada Somaalida ugu muujiyeen in dhankooda ay ka go’an tahay xabad joojin hirgasha.

“Arrinta ka socota Laascaanood waxay xukuumadda kalsooni ku qabta in xal laga gaari doono. Si loo yareeyo dhibaatada soo gaadhaysa shacabka iyo markii aanu garwaaqsanay baaqyada nagaga imanaya muwaadiniinta iyo saaxiibadayada caalamiga ah waxaa saaka xilli hore dib looga soo qaaday ciidamada Somaliland fadhiisimihii jiidda hore, iyaga oo iskugu tagay saldhigyo cayiman,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in Laascaanood aysan gabaad u noqon kooxaha argagixisada, isaga oo ku baaqay in ciidamada deegaanka ee hubeysan ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Laascaanood.

“Jamhuuriyada Somaliland waxay meel adag ka taagan oo ay ka hortageysa dhamaan xoogaga maleeshiyaadka ee huwanta ah oo ay ku jiraan kuwa xagjirka ah ee ku abuurmay Laascaanood in ay si deg deg ah uga baxaan.”

“Ciidamada Somaliland waxay awood buuxda u leeyihiin inay qaadan tallaabooyin kasta oo lagama maarman u ah adkeynta iyo ilaalinta nabad-gelyada, iyo weliba dhowrista & jiritaanka Qaranka.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi ay ka go’an tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisada taagan, islamarkaana ay socdaan dadaaladii nabada ee uu kal hore bilaabay madaxweynaha Somaliland.

“Somaliland waxay awood u lahayd waligeed, oo haddana ka go’an in ay arrimaheeda gudaha iyadu xal ka gaadho, sidaas oo aanu yeelnay todobanaan sanno. Anaga oo nabada iyo dimuquraadiyadayada ilaashanayna, dowladu waxay ku kalsoon tahay in xaaladda hadda ee Laascaanood la xalin doono.”

Somaliland ayaa xalay xilli dambe illaa saaka waaberigii faarujisay fadhiisimihii iyo saldhigyadii ay ku laheyd magaalada Laascaanood iyo aaggaga ka agdhaw, kuwaasi oo qaarkood ay la wareegeen ciidamada deegaanka ee SSC, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Somaliland.