Daawo: Sanbaloolshe oo ka hadlay beelaha usoo gurmaday iyo kuwo hagraday

Yasooman (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo shalay Yasooman kula hadlay ciidanka dib u xoreynta deegaanka ayaa dardaaran kadib dul istaagay gurmadka beelihii ay qoylo dhaanta horay ugu direen iyo garabka ay reer Hiiraan ka heleen dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in dowladda dhexe aysan waxaba ka hagran reer Hiiraan intii ay dagaalka ku jireen, “Anaga dowladda Soomaaliyeed waa noo hiilisay, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed halkaan ayaa la isugu keenay, maxaa kaloo naloo samey lahaa” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay inay jiraan beelo wali ka hagranaya reer Hiiraan gurmadka ay codsadeen, inkastoo uusan carabka ku dhufan magaca beelahaas, hadana wuxuu ku goodiyey inuu dib ka sheegi doono.

Sanbaloolshe ayaa ciidanka deegaanka ka dalbaday inay aqbalaan gurmadka uga imaanaya beelaha kale oo dhexdooda aysan isku  dhicin, “Dagaal waa is baheysi, anagu tol ayaan leenahay, Murusade berri ayuu imaanayaa, Habargidir-na waa noo soo gurmatay iyo beelaha kale ee dowlad deegaanka,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Mar uu soo hadal qaaday beelaha Mudulood, gaar ahaan Abgaal, wuxuu sheegay ayaga laga rabo inay Shabaab dhameystiraan, “Abgaal qabiil maaha ee waa qowmiyad, waana dowlad, dagaalka waa soo gelaayaan, waxaana laga rabaa inuu Shabaab dalkaan ka dhameeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa dadka reer Hiiraan ugu laab qaboojiyey inay guushu dhowdahay dadka Soomaaliyeed-na ay ka heli doonaan abaabul gud, “Xaaladda aad maanta ku jirtaan waa mid dhib badane ku sabra, waad guuleysa doontaane,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo