Daawo: Sanbaloolshe oo si cajiib ah u difaacay hay’adaha amniga hal talana siiyey BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa si cajiib ah u difaacay hey’adaha ammaanka, isagoo tusaale macquul ah hor dhigay xildhibaanada golaha shacabka, kadib hadal kooban oo kulankii maanta ee golaha uu ka jeediyey.

Sanbaloolshe ayaa xildhibaanada kula dardaarmay in waqtigii la dhaliili lahaa hey’adaha ammaanka aan la gaarin, isagoo u soo jeediyey in loo jigeysto dagaalka Al-Shabaab oo wax kale aan lagu isku mashquulin.

“Shabaab-ka shaqadiisu waa in anaga la isku kaana mashquuliyo, marka dagaalka Al-Shabaab aan ka soo jeesano, mida kale hey’adaha ammaanka waa inay helaan waqti ku fulan oo ay wax ku qabtaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sheegay in xafiisyada ugu sareeya hey’adaha ammaanka uu joogi jiray oo dhibka ay leedahay uu soo arkay, “Howlaha ammaanka wax la isku tuurtuuri karo maaha, xildhibaanada cabashadoodana waa wax meesha ku jira,” ayuu yiri.

Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo mar soo noqday taliyaha NISA ayaa xildhibaanada ka dalbaday in waxa dowladda ka dhex jira ee Shabaab-ka farxad gelinaya aan kulamada golaha la keenin oo guddiyadu ay gaar uga tashadaan.

“Hoolaha amniga si hoose haloo dhaqo, aan isku dul-qaadano, si masuuliyadi ku jirto aan howlahaan u xalino, mar dambena yaan golahaan la keenin muran amniga ku saleysan,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo