Daawo: Wasiirka Difaaca oo qariyey arrin Turkigu ka wado Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ka hadlay dagaalka dalka ka socda ee lagu soo afjarayo Al-Shabaab, iyadoo wareysigiisa qeybtaan lagu dul istaagay dowladaha dhanka duqeymaha cirka ka taageera Soomaaliya.

Wasiir Jaamac oo wareysigaan siiyey Universal TV ayaa ka meer-meeray su’aal laga weydiiyey in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkiga ay Soomaaliya duqeymo ka fuliyaan, inkasta oo warbixino dhowr ah ay sidaas sheegayaan.

Wasiirka oo qiray doorka duqeymaha ee diyaaradaha Mareykanka ayaa diidan inuu kala cadeeyo in diyaaradaha Turkiga ay Al-Shabaab duqeeyaan iyo in kale.

“Aniga Turki ma ogi, laakiin Mareykanka diyaaradihiisu waa na caawiyaan,” ayuu yiri wasiir oo aad loogu celceliyey su’aal looga dalbanayey inuu kala cadeeyo arrintaan.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahad celiyey dowladda Turkiga, isagoo qiray in ciidanka dagaalamaya ee Gorgor ay u soo tababartay Soomaaliya, balse wuxuu aad uga gaabsaday inuu ka jawaabo doorka Turkiga iyo duqeymaha Al-Shabaab.

Diyaaradaha Turkiga ayaa lagu arkaa hawada Muqdisho iyo deegaanada ay dagaaladu ka socdaan, iyadoo meelaha qaar sawirro laga soo qaaday, balse wuxuu sheegay Wasiir Jaamac in uusan waxaba ka ogeyn arrimaha diyaaradahaas.

“Ciidamadu waa kala talis duwan yihiin, aniga wasaaradda difaaca iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa i quseeya, howlgal ciidamada xoogga ay fuliyaan oo diyaarad Turki leeyahay ay ka qeyb qaataan anigu ma ogi,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Hoos ka daawo