Taalibaan oo xanibaad cusub kusoo rogtay haweenka

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaasha Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa mamnuucay waxbarashada jaamacadaha ee haweenka dalkaasi, taasi oo keentay in Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay cambaareeyaan weerar kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Inkasta oo ay ballanq-aadeen xukun ka jilicsan kii 20 sano kahor markii ay xukunka la wareegeen sannadkii hore, Taalibaan waxay dejiyeen xannibaadyo dhammaan dhinacyada nolosha haweenka, iyagoo iska indha-tiraya carada caalamiga ah.

“Dhammaantiin waxa la idinku wargelinayaa in aad si degdeg ah u dhaqangelisaan amarkan lagu sheegay joojinta waxbarashada haweenka ilaa amar dambe,” ayuu wasiirka wasiiradda tacliinta sare Neda Mohammad Nadeem ku sheegtay warqad uu u diray dhammaan jaamacadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Afhayeenka wasaaradda, Ziaullah Hashimi oo warqadda soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa farriin qoraal ah oo uu u diray AFP ku xaqiijiyay amarkan.

Washington ayaa sidoo kale si adag u cambaaraysay go’aankan.

“Taalibaan ma filan karto inay xubin sharci ah ka noqoto beesha caalamka ilaa ay ixtiraamaan xuquuqda dhammaan dadka Afghanistan ku sugan. “Go’aankani wuxuu cawaaqib ku yeelan doonaa Taliban,” ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Talaadadii, afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu “aad uga xumaaday” xayiraaddan.

Mamnuucidda waxbarashada sare ayaa kusoo beegantay wax ka yar saddex bilood kadib markii kumannaan gabdho iyo haween ah ay imtixaanno jaamacadeed u fariisteen guud ahaan dalka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku haminayaan in ay mustaqbalka u doortaan macallinnimada iyo caafimaadka.

Jaamacadaha ayaa hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha, waxaana lagu wadaa in dib loo furo bisha March ee 2023.