Daawo: Shuruud cusub oo la hor dhigay musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyey tirada musharaxiinta is diiwaan gelisay, goorta ay ku egtahay is diiwaan gelintu iyo shuruudo cusub oo laga rabo musharaxiinta hadal jeedintooda ka hor.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah guddiga ayaa maqribkii warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in shalay iyo maanta ay diiwaan geliyeen 32 musharax, waxaana xubnaha aan weli is diiwaan gelin u hartay hal maalin.

“Ilaa hadda waxaan diiwaan gelinay 32 musharax, waxaana diiwaan gelinta ka hartay berri oo kaliya, qofkii berri 4:00 galabnimo ka hor aan shahaadadiisa qaadan, musharax ma noqon doono, waxaan ku adkeyneynaa musharaxiinta dhiman inay ka soo hor maraan waqtiga aan soo gabagabey doono howshaan,” ayuu yiri Macalimuu.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey dalab cusub oo loo diray musharaxiinta is diiwaan gelisay ee u tartameysa xilka Madaxweynaha, kaas oo ah in musharax kasta laga doonayo inuu berri soo gudbiyo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan.

“Guddiga Doorashada Madaxwaynaha JFS wuxuu ku wargalinayaa Musharraxiinta Xilka Madaxwaynaha JFS inuu musharax kasta guddiga u soo gudbiyo 400 (afar boqol) oo nuqul ee barnaamijkiisa doorasho oo daabacan (hard copy) iyo hal nuqul oo electronic ah (pdf) oo ah hadaljeedinta murashaxa, maalinta barri ah oo ku beegan 10 May 2022,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka daawo Macalimuu

https://youtu.be/t_6E2KAERdA