Taliye Farxaan Qaroole oo la qaraxiyey iyo Al-Shabaab oo war kasoo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax culus oo caawa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la sheegay in qaraxaas lala beegsaday, waxayna ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ay si hordhac ah noogu xaqiijiyey inuu ka badbaaday.

Si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha qaraxaas, maadaama ay tahay xiili habeen ah, waxaana degaanka Ceelasha Biyaha ilaa wadada dheer ee Muqdisho ka taagan cabsi iyo jaha wareer xoog leh.

Sidoo kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, waxay shaaciyeen inuu burbaray gaari ka tirsanaa kolonyada Farxaan Qaroole oo qaraxu uu haleelay, mana shaacin kooxdu khasaare rasmi ah oo ay ogaadeen inuu geystay qaraxaas.

Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Taliye Farxaan uu badqabo, balse waxay ka gaabsadeen inay qaraxaas ka bixiyaan faahfaahin dheeraad ah.

Qaraxa ayaa lala beegsaday  taliyaha iyo ciidankiisa oo la socday kolonyo gaadiid ah, xilli ay caawa fiidkii marayeen gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka koonfureed ee Muqdisho.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online