Daawo Video: Cabdi Weli Gaas oo arrin aad u xun ku tilmaamay MUUSE BIIXI

Garoowe Online (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale ka hadlay xiisadda taagan ee u dhexeysa Somaliland iyo Puntland.

Madaxweyne C/Weli Gaas ayaa farriin u diray shacabka Somaliland isagoo sheegay in Puntland aysan kusoo duulin Somaliland isla markaana dagaal aysan usoo aadin.

Gaas ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in marka laga soo tago Puntland iyo gobolka Sool inuu sidoo kale halis ku yahay shacabka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu la yimid dhibaato hor leh isla markaana loo baahanyahay in la qabto.

Gaas ayaa ku tilmaamay Muuse Biixi Nin waalan, waxana uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay iska qabtaan si shacabka Somaliland ay umadda ugula noolaadaan daris wanaag.

Xiisadda u dhexeysa maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareereysa iyadoo ay sii kordhayaan hadallada dacaayadda ah ee ay hawada isku marinayaan mas’uuliyiinta labada maamul xilli ciidamada maamulladaasi ay isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq.