Daawo Video: Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Mareykanka ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto.

Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto.

Madaxweynaha iyo Yamamoto ayaa ku kulmay xarunta Xalane. Inta badan Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa loo ogoleyn inay soo dhaafaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, sababo amni awgeed.

Kadib la kulanka madaxweyne Farmaajo, Yamamoto ayaa xariga ka jari doono dhisme la ballaariyey oo dib loo habeeyey, kaasi oo noqon doona waxa dadka qaar ay ugu yeereen safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Halkan ka aqri warkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com