Dowlada Mareykanka oo si qarsoodi ah “SAFAARAD” uga fureysa MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta si qarsoodi ah u fureysa dhisme la ballaariyey oo dib loo habeeyey, kaasi oo noqon doona waxa dadka qaar ay ugu yeereen safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Xaruntan ayaa ka dhigi doonta howlgalka diblomaasiyeed ee Mareykanka ee Soomaaliya mid ku sugan Muqdisho, waxaana ka shaqeyn doono shaqaale kooban. Howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa iminka dhex degan safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Saraakiisha Mareykanka waa ay diidan yihiin in ka hadlaan ujeedada dhismahan, waxaana ay sidoo kale u muuqdaan kuwa aan ugu yeereen safaarad ama qunsuliyad.

Si kastaba, astaan muujineysa muhiimadda dhismahan, ayaa ah imaanshaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, oo fadhigiisu yahay Nairobi, kaasi oo la filayo inuu maanta xariga ka jaro dhismahan.

Saacado ka hor, ayaa madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Donald Yamamoto.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa diiday inay weriyayaasha u ogolaato munaasabadda furitaanka.

Mareykanka wax safaarad ah kuma lahayn Soomaaliya, tan iyo sanaddii 1991-kii markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dhismaha Mareykankan ayaa ku dhex-yaalla xarunta Xalane, ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, oo amnigeeda sida aadka ah loo sugo.

Mareykanka waa ay diidan yihiin inay dhismahan cusub ugu yeeraan safaarad ama qunsuliyad hase yeeshee waxaa loo dhisay in loo adeegsado hab diblomaasiyeed. Mareykanka, Shisheeyaha iyo Soomaalida ka shaqeysa garoonka Muqdisho iyo Xalane ayaa ugu yeera “safaaradda”.

Ma cadda haddii calanka Mareykanka maanta laga taagi doono dibedda dhismahan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com