Daawo Video: Maxaa u hirgalay wafdigii ay DF u dirtay dalka Qadar?

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Booqasho Rasmiya oo Saddex Maalin Qaadatay ku yimid magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar.

Wafdiga ayaa la kulmay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Qadar Maxamed Xamaadi iyo Madaxda Wasaarada , Waxayna ka wada hadleen Dar-dar gelinta Heshiiskii ay horay labada dal u Saxeexdeen Sanadii 2015 kaasi oo ku saabsan Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Cilmi baadhista, iyadoona hada lagu Lagu kordhiyey Farsamada.

Wafdiga Soomaaliya ayaa soo bandhigay Mashaariic ku saabsan dhinaca Horumarinta, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare kuwaasi oo ay doonayaan in laga caawiyo, Iyadoona oo labada dhinac ay isku Afgarteen.

Dhinaca kale Wafdiga DF-Somalia ayaa Kulan la Qaatay Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta ee Qatar Khalifa Jassim Al kuwari, iyo Madaxa Hay’ada Qatar Khayriya Yuusuf Al-kawari , Sidoo kalana waxay Booqasho ku tageen Jaamacadda Xamad Bin Khaliifa.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen Labada Dawladdood laga gaadhay guulo la taaban karo “Waxaanu ka wada hadalnay oo isla garanay Fulinta Heshiisyadii Hore, waxaana u sheegnay in Soomaaliya ku socoto Marxalad Horumarineed, oo aanu ka gudubnay Xaaladii Bini’aadanimo “ ayuu yidhi Wasiirka.