Erdogan: Haddii Mareykanka uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil, waxaan si cad u sheegayaa inaan…

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan ayaa si carro leh uga hadlay arrinta ku aadan inuu Mareykanka dhawaan qorsheenayo inuu Magaalada Qudud u aqoonsado inay tahay Caasimadda dalka Israa’iil.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa si cad u sheegay inuu dalkiisa xiriirka u jari doono dalka Israa’iil haddii uu Mareykanka u aqoonsado Qudud inay tahay Caasimadda Israa’iil.

Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay haddii uu Mareykanka tallaabadaan qaado inay ka dhigan tahay inuu si cad usoo dhaafay Khadka Cas.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono isbuucan, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada.

“Mr Trump! waxaad ogaataa in Qudus khad casa ay uga dhigan tahay Muslimiinta,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad xasaasi aheyd ka jeediyay telefishinka dalka Turkiga.

“Waxay arrintaa horseedi kartaa inaaan calaaqaadka diblomaasiyadeed u jarno Israa’iil”, ayuu sii raaciyay Erdogan.

Haddii Washington ay u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee sidaa sameeyo tan iyo markii la alkumay xukumadda Israa’iil 1984.

Israa’iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.

Israa’iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin, Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com