Sawiro: Madaxweyne hal sabab darteed qaar ka mid ah ciidankiisa u dhigay aroos wadareed

Laatikiya (Caasimadda Online) – Bishaar Al-Asad Madaxweynaha Dalka Syria ayaa Aroos wadareed u sameeyay boqolaal Askari oo ku dhaawacmay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Ururka Daacish iyo xoogaga ka soo hor jeeda dowladiisa ee Syria.

Madaxweynaha Dalka Syria iyo Ururro ka shaqeeya arrimaha gudaha oo ka jira Dalkaaasi ayaa Aroos wadareed u sameeyay boqolaal ka mid ah Askarta dalkaas oo ku dhaawacmay dagaalka ay dowladda Syria kula jirto Ururka Daacish.

Munaasibaddan ayaa lagu qabtay Magaalada Laatikiya ee dalka Syria,halkaas oo Askarta aroosayay ay xirnaayeen Tuutaha dagaalka halka Gabdhaha loo xiray Taaj ka sameysay Caddaan iyo Calanka Dalka Syria.

Dadka ka hadlay Munaasibaddan ayaa u jeedka ku sheegay in Dadka dalkaas iyo Carruurtooda la jecleysiiyo dalkooda,Askartii naftooda u hurayna la abaal gudo.

Dhacdadii tan ka horreeyay 2013kii ayaa 15 Askari mar qura loo guuriyay Dadka ka hadlay Munaasibaddan ayaa u jeedka ku sheegay in Dadka dalkaas iyo Carruurtooda la jecleysiiyo dalkooda,Askartii naftooda u hurayna loo abaal gudo.

Arrintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay dhiirro gelin u tahay Qoysaska Wiilashooda ku dhaawacmeen dagaalka ay kula jiraan waxa ay dowladda Syria ugu yeerto Argagixisada.