Isbaarooyin dadban oo ka bilowday Jidadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) –Waxaa Maalintii Labaad xiran Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo diiday inay isticmaalaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Haddaba waxaa Labadaan Berri jidadka Muqdisho ka bilowday isbaarooyin dadban oo ay dhiganayaan Ciidamada Dowladda.

Kontaroolada ay Ciidamada dowladda ka joogaan jidadka la xiray ee Muqdisho ayaa waxaa ka bilaabatay in gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay, kuwa dadweynaha iyo Bajaajyada laga qaato lacago baad ah isla markaasna loo fasaxo inay jidadka isiticmaalaan.

Ciidamadaan ayaa ka faa’ideysanayo xirnaanshiyaha Jidadka Muqdisho, waxaana la celinayaa gawaarida diido inay bixiyaan lacagta halka kuwa bixinayana la fasaxayo.

meelaha ay sida weyn uga socoto arrintaan ayaa waxaa kamid ah Kontaroolada Ciidamada Xasilinta Muqdisho ee Isgoyska Digfeer, kan Seybiyaano iyo Midka Tarabuunka.

Kontarooladaas ayaa waxaa mararka qaar laga maqlayaa rasaas lagu ridayo Gawaarida diido lacagtaas, waxaana muuqato in Xirnanaashaha jidka Muqdisho loo adeegsanayo qaab aysan dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada waxba ka ogeyn.

Arrintaan ayaa noqoto dhibaato kale oo kusoo korortay Magaalada Muqdisho, waxaana muuqato inaysan Ciidamada dowladda iska dhaafi karin Isbaarooyinka iyo lacagaha baada ah.

Jidadka Muqdisho ayaa loo xiray sabab lagu sheegay shirka Amni ee Muqdisho uga socdo Maalintii labaad dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaasoo ah wajigii labaad ee Shirkii London ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com