Wiilka Cali Cabdalla Saalax: Kuleylka dhiigga aabahey waxaa lagu shubi doonaa dhegaha Iran

Dubai (Caasimadda Online) – Axmed Cali Cabdalla oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dhiigga aabihii Cali Cabdalla Saalax uusan ahayn mid sidaas ku dhamaaday islamarkaana dagaalka Yemen uu hadda billow yahay.

Axmed oo 2012kii Xabsi Guri ku ahaa Dalka Imaaraadka ayaa wareysi siiyay TV laga leeyahay Sucuudiga waxaana uu sheegay in kuleylka dhiigga aabihii lagu shubi doono dhegaha Iraan isda uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta iyo Iraan waa billow,qofkasta oo Yemeni ah waxaan ugu baaqayaa in uu dalka Yemen dib ugu laabto,hubkana qaato,waxaan dagaalka wadi doonnaa ilaa midka ugu dambeeya ee Xuutiga ah uu ka baxo Yemen”,ayuu yiri Axmed intii uu wareysiga bixinayay.

Axmed waxaa uu horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Jamhuuriyadda Yemen,sidoo kale danjiraha Yemen ee Imaaraadka,waxaase xabsi guri laga dhigay markii Aabbihii iyo xulfada Sucuudiga ee IMaaraadka ka mid yahay isku dhaceen sanadkii 2012kii Calina xilka laga tuuray.

Shalay markii uu soo baxay dilka Cali waxaa laga dabaal degay magaalada Koofurta ku taalla ee Cadan,iyada oo Reer Koofurku ay Cali Cabdalla Saalax ku necbaayeen mideyntii labada Yemen ee Koofurta iyo Waqooyiga sagaashamaadkii,waxaana uu xoog iskugu hayay labada dhinac.

Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta C/Maalik al Xuuti oo ka hadlay geerida Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in guul ay u soo hoyatay Jamhuuriyadda Yemen,waxaana uu ballan qaaday in kooxdiisa ay ku adkeysan doonto midnimada dalka Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com