CC Shakuur: Dawlad dumin miyaa hadii la is waydiiyo sababta labo maalin wadooyinka loo xiray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey xilal uga soo qabtay dowladihii hore ee soo maray Soomaaliya ayaa ka hadlay jidadka xiran muddo laba maalin ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuru ayaa sheegay in dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud Farta loogu fiiqiyey inay jidad xirtay, haddana ay mudan tahay in wax la iska waydiiyo ballanqaadkii Farmaajo ee ahaa inuusan jidadka ka xiri doonin Shacabka.

Wuxuu sidoo kale Su’aal ka keenay haddii ay dowlad dumis tahay hadii la is waydiiyo sababta labo maalin wadooyinka loo xiray.

Bartiisa Facebook ayuu soo dhigay qoraalkaan hoos kaaga muuqdo

” Dawlad dumin miyaa hadii la is waydiiyo sababta labo maalin wadooyinka loo xiray, mar hadii shirka lagu qabanayo Xalane gudihiisa. Sow su’aal mudan maaha in Madaxweynaha la waydiiyo balanqaadkii uu Baarlamaanka hortiisa ka sameeyey ee ahaa in aan wadooyinka la xiri doonin hadii xilka loo doorto.

Dadka laba maalin wadooyinka ka xiran yihiin, waa xoogsato, arday, shaqaale, ganacsato, waxaa kaloo ku jira dad jiran oo Isbitaal u socda, hooyoyin foolanaya iyo caruur xanunsan. Sidaasoo kale ayaan farta ugu fiiqaynay markii uu Xasan Sheekh Xilka hayey, inkastoo shirka High Level Partnership Forum aan marna xiligaas wadooyin loo xirin.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com