Daawo: Wasiir Puntland ah “Ilaahay ayaa na yiri SOOL idinkaa leh ee ilaashta”

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiiru dowladda Madaxtooyadda ahna Afhayeenka Xukuumadda Puntland Cabdullahi Jaamac Quran’jecel, ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay xaq u leedahay inay difaacato Gobolka Sool.

Quran’jecel,waxa uu sheegay in la wada ogyahay in Gobolka Sool ay maamusho Puntland, hase ahaatee Somaliland ay dusha saaran doonto wixii dhibaato ah oo ka dhashay dagaalka.

Quran’jecel, waxa uu tilmaamay in Somaliland ay ka dhamaan la’dahay ‘’Gumeystihii Ingiriiska ayaa noo hooyay Sool’’, waxa uuna taa ku sheegay mid aan suuragal aheyn.

Isagoo ka jawaabaya haddalka Somaliland ee ah in gumeystaha uu u gooyay Sool ayuu yiri ‘’Haddii Gobolka Sool uu idiin gooyay Ingriiska ama idinsiiyay, anagana ilaahey ayaa na yiri Sool idinkaa leh’’

Quran’jecel, waxa uu intaa raaciyay ‘’Sool dadkeena ayaa degan, ilaahey baa na dajiyay waana ku noolaan doonaa’’

Sidoo kale, Wasiiru dowladda Madaxtooyadda Puntland waxa uu sheegay in dadka ku nool Sool laga doonaayo inay ilaashtaan deegaankooda isla markaana iska celshaan Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa u muuqaneysa mid cirka kusii toleysa xiisada Gobolka Sool ee kala dhexeysa Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com