Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciida Carafo, iyagoo si gaar ah ugu mahad celiyey ciidamada Qaranka.
“Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka xajka in uu ka aqbalo acmaasha suubban, isagoo ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay badiyaan maalmahan barakaysan, ducada iyo Alle bariga ku aaddan horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.
Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa ciidamada Qaranka ka codsaday in maalmaha ciida ay si laba jibaaraan dadaalkooda, si nabad geliyo ay ugu ciidaan dadweynaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale ayaa u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee walaalahooda tabaaleysan ugu gargaaray munaadabadaan ciida awgeed, isagoo codsaday in la gargaaro dadka tabaaleysan.
“Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka.”
Hoos ka daawo