Daawo: Booliska gobolka Banaadir oo shaaciyay arrin yaab leh – Jilaca oo ka mid noqday maandooriyaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu baraarugay nooc cusub oo maan-dooriye ah, kaas oo laga isticmaalo magaalada Muqdisho, lagana sameeyo bahalka loo yaqaano Jilaca, sida ay shaaciyeen booliska Soomaaliya.

Taliyaha hoggaanka diinta iyo dhaqanka ee booliska Soomaaliya Mire Axmed Mataan oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in bahalkaas ay isticmaalaan dhalinyarada daraagiska isticmaasha ee ku nool magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo sharaxay qaabka maan-dooriyaha looga sameeyo Jilaca ayaa sheegay in hadda ay ku baraarugeen arrintaan, kadib howlgallo ka dhan ah maan-dooriyaha iyo ciyaal weerada oo Muqdisho ka bilowday habeenadii lasoo dhaafay.

“Horta waa arrin la yaab leh, Jilaca wuxuu ka mid noqday maandooriyaha, waxaa laga jarayaa dabada, kadib dabka ayaa la saaraya, waana la daboolayaa, markii uu karkaro oo qaac sameeyo ayaa la soo fariisanayaa daboolkaa laga qaadayaa, qaaciisa ayaa sanka loo dhiganayaa, kadibna waa lagu sarqaamayaa,” ayuu yiri Taliye Mire Mataan.

Wuxuu sheegay in qofkii ursada qaaca Jilaca la kariyey uu sarqaamayo, “Dhalinyarada isticmaasha waxay kuleeyihiin qofkaan dhac dhacaya waa Jilaceysan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyuhu.

Sidoo kale Taliye Mire Axmed Mataan ayaa sheegay inuu jiro nooc cusub oo daraagis ah, kaas oo laga sameeyo labo kaniini oo biyo lagu qaso, kadibna la isku duru.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa sidoo kale marti ku ahaa barnaamijkaan, waxayna balan qaadeen in noocyo badan oo daraagis ah oo ay qabteen ay bulshada u soo bandhigi doonaan.

Hoos ka daawo