Daawo: Xildhibaan ka tirsan BF oo sheegay in ciidamo ‘soo qaban raba’ Faroole ay joogaan deegaanka Burtine

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa si xun u weeraray Senator Cabdiraxmaan Faroole oo eedeymo u jeediyay Farmaajo iyo maamulada taabacsan.

Faroole ayaa dhawaan dhaleeceyay saddexda maamul goboleed ee taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kuwaasi oo ku tilmaamay mas’uuliyiin dhulkooda intiisa badan la heysto, islamarkaana ku tiirsan Muqdisho ciidan iyo dhaqaale intaba.

Xildhibaan Jeesow oo hadalka Senatorka si kulul uga jawaabay, ayaa waxa uu ugu hanjabay in lasoo qaban doono haddii uu kusii taagnado wax uu ku sheegay ‘dowlad naceybka’.

“Labo lee ayay mid ka tahay inaad tahay Nin lalaway oo da’ ah iyo inaad dowlad naceyb ku dhimaneyso, ciidamada dowladda Burtinle ayay soo marayaan, waana lagu soo qabanayaa,” ayuu yiri.

“Ilaahay ka cabso Faroole, Senator ayaa tahay, haddii xildhibaan Puntland aad tahay kuuma jawaabeen ee run haddaa sheegayso Puntland madaxweyne uga dhig C/risaaq Jurrile”.

Sidoo kale waxa uu wax lag xumaado ku tilmaamay taageerada uu Faroole u muujiyey madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo si weyn isku hayaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo uu taageersan yahay xildhibaanku.

Xildhibaan Daahir Jeesoow ayaa kamid ah mas’uuliyiinta sida indho la’aanta ah u taageersan dowladda uu waqtigeedu dhamaaday, wuxuuna ku caan baxay mucaaradnimada maamulka Axmed Madoobe.

Jeesow ayaa hore ugu baaqay in lasoo xiro Axmed Madoobe oo xiligan ku sugan magaalada Muqdisho, xiligaas oo uu ku dooday inuu cadaalad darro ku haysto kursiga u sareeya Jubbaland, loona haysato dacwado dil, sida uu sheegay.

“Mudane madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeeyay afartii sanno ee aad dalka xukumeysay, jecelna dalka wanaagiisa ii tix-geli codsiga, intaan meesha fadhisa Axmed Madoobe xabsiga ha u hoydo.”

Si kastaba, dowladda waqtigeedu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ayaa inta badan ka caroota eedeymaha loo jeediyo, waxaana la fahamsan yahay in siyaasiyiinta taabacsan ay dhabarka uga taabato si ay u difaacan.