Afar arrin oo muujinaya in DF ay horey usii diyaarisay fashilinta shirka Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa galabta si lama filaan ah shir jaraa’id ugu sheegay inuu fashilmay shirkii Afisyoone, xilli weli madaxdii ay ku sugan yihiin teendhada Afsiyoone, taasi oo ka yaabisay dhinacyadii kale ee shirka ka qeyb-galayey. 

Dubbe ayaa aqriyey qoraal dheer oo ka sheekeynayey sooyaalka shirarka doorashada iyo “tanaasulaad” uu sheegay inuu sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo. 

Wuxuu qoraalka kusoo xiray “Xukuumaddu waxa ay u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.”

Hase yeeshee waxaa durba soo baxay caddeymo muujinaya in dowladda ay ka shaqeysay in si iskeed ah ay shirka u fashiliso, kuna sii talo-gashay arrintaas, xitaa inta aan loo fariisan shirkii ugu dambeeyey kadib laba maalmood oo hakad u uku jiray, waxaana caddeymahaas ka mid ah 

Qoraallo sii diyaarsanaa: Qoraalka dheer uu aqriyey Dubbe, muuqaalka deg degta loo soo tuuray, iyo qoraal English ah oo watay sawirro (graphics), oo uu twitter ku baahiyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Duqa, waxay dhammaantood muujiyeen inay ahaayeen wax laga shaqeynayey maalmo oo diyaarsanaa. Ma jiri karto haba yaraatee in howshaas loogu qaban karay muddo 30 daqiiqo, oo ah inta u dhaxeysay waqtiga lasii daayey, iyo marka uu soo baxay warka ku saabsan fashilka shirka, oo isla dhinaca dowladda ka dusay.

Puntland iyo Jubaland oo weli diyaar ah: Maamullada Puntland iyo Jubaland waxay labaduba caddeeyeen inaysan ka war-hayn shir fashilmay, islamarkaana ayaga oo u ballansan kulan kale berri ay ka war-heleen qoraallada iyo muuqaallada ay baahisay dowladda ee lagu sheegay in shirku fashilmay. Waxay kale oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin in wada-hadalladu ay sii socdaan. 

Haddii Puntland iyo Jubaland ay leeyihiin shirka ma fashilmin, maxay dowladda si iskeed ah ugu sheegeysaa fashilka. Xitaa haddii Puntland iyo Jubaland aysan daacad ka aheyn sheegashadooda, maxaysan dowladda u dooran inay si kale ugu eedeyso in caqabad ku yihiin heshiis la gaaro, maxay u dooratay inay tiraahdo shirka waa fashilmay, oo ay si toos ah albaabka wada-hadallada ugu xireysaa. Hadda oo ay leeyihiin, waxaan diyaar u nahay in shirka uu sii socdo, aaway jawaabtii dowladda?

Laba Dubbe: Waxaa soo baxday in Cusmaan Dubbe uu ku sugnaa xarunta Afisyoone oo uu watay dhar aan aheyn kuwa uu ku duubay muuqaalka shirka jaraa’id, taasi oo caddeyn u ah in muuqaalka shirka lagu fashiliyey horey loo sii duubay, taasi oo iyana caddeyn u ah in markii horeba madaxweyne Farmaajo uu tegay shirka isaga oo aan diyaar u aheyn in heshiis la gaaro.

Saciid Deni oo wareysi uu siiyey VOA uga hadlay arrintan ayaa yiri “Wasiir Dubbe waa uu nala joogay maanta, marka dharka uu isaga duubay muuqaalka kii uu watay maaha, marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo ayuu ahaa warkii galabta ka soo yeeray dowladda federaalka.”

“Tanaasulkii” saaka: Dowladda waxay saaka dusisay in Farmaajo “ka tanaasulay” qodobkii ahaa in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka, warkaas oo ay aad u qaateen warbaahinta, oo ay Caasimada Online ku jirto. Waxaa kadib baraha bulshada qabsaday ammaanta Farmaajo ee taageerayaashiisa. Hase yeeshee waxaa hadda muuqata inay aheyd xeelad loogu muujinayo Farmaajo inuu ka tanaasulay qodobada qaar, si marka dowladda fashiliso shirka, sida ay galabta sameysay, eedda loogu leexiyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Dhammaan qodoban waxay caddeyn u yihiin in fashilka shirka uu sii diyaarsanaa inta aanu madaxweyne Farmaajo soo fariisan teendhada Afisyoone 3-dii April.