Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed oo ka mid ah xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa guddoomiyaha golaha shacabka ka codsaday inuu u hiiliyo, isla markaana uu aqbalo inay baarlamaanka si rasmi ah uga mid noqdaan.
Wuxuu ku cataabay in xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq ay heystaan garab siyaasadeed, balse aysan aheyn kuwo sharci ah oo dhul Saamaaliyeed lagu soo doortay, isagoo tilmaamay in deegaan ka tirsan Kenya lagu soo doortay.
Sidoo kale Axmed Buulle ayaa aad u eedeeyey guddoomiyihii KMG ahaa ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, isagoo Aadan Madoobe ka codsaday in xarunta baarlamaanka aysan soo gelin Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq.
“Dhibaatadii aan ka soo marnay Rooble iyo Dhabancad, Sheekh Aadan Madoobow wax ka qabo, nin wanaagsan oo aan saaxiibo dhow nahay ayaa tahay ee maanta noo hiili,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule oo ka mid ah xildhibaanada doorashadoodii muranka la geliyey.
Wuxuu sheegay in xildhibaanadii ka soo baxay Ceelwaaq ay heystaan garab siyaasadeed oo xoog leh, balse aysan sharci aheyn oo ayagu ay sharci ku yimaadeen golaha, laguan soo doortay heshiiskii doorashada ee 17-kii September, “Qofka maanta laga rabo in arrintaan uu cadaalad ka sameeyo Sheekh Aadan waa adiga,” ayuu yiri.
Sidoo kale Axmed Buulle ayaa sheegay in hadda ka hor uu la taliyey Guddoomiyihii KMG ahaa Dhabancad, balse uusan ka hoos qaadin codsigii iyo taladii uu u soo jeediyey.
“Dhabancad u jeedadii uu naga lahaa hadda waa soo dhamaatay, laakiin maanta adigaa meesha noo jooga Sheekh Aadan, waxaan baarlamaanka ka codsanyaa inay noogu hiiliyaan cadaalad darrada metelaadeenii lagu hayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Axmed Buule oo ka mid ahaa xubnihii maanta looga digay inay mar dambe yimaadaan xarunta golaha, iyadoo aan go’aan laga soo saarin kiiskooda.
Hoos ka daawo