Sanado kadib Maxamuud Sayid Adan oo Muqdisho ka soo degay + Ujeedka safarkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Inta badan sanadihii uu Farmaajo xukunka dalka hayey suurta gal ma aheyn in mas’uuliyiinta Jubbaland ee ka soo jeeda gobolka Gedo, kana aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo ay Muqdisho yimaadaan, laguna soo dhoweeyo garoonka.

Arrintaan waxay ka mid tahay is bedellada maamul ee ka bilowday Soomaaliya shan sano iyo bilo kadib, intaas oo Farmaajo uu dagaal culus kula jiray hoggaanka Jubbaland, taas oo ugu dambeytii laga dhaxlay khilaafka sababay in gobolka Gedo uusan metelaad ku yeelan doorashadii guddoonka golaha shacabka. Kadib markii Garbahaarey iyo Ceelwaaq xildhibaano isku heyb ah lagu kala doortay.

Sidoo kale in maanta ay madaxdii Jubbaland Muqdisho ka soo degto waxaa sahlay tallaabooyinkii uu kol hore qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble oo garoonka Aadan Cadde ka dhigay mid ay cabsi la’aan siyaasiyiintu uga soo degi karaan.

Tallaabooyinkaas waxaa qeyb ka ahaa xil ka qaadistii Cabdullaahi Kulane oo ahaa Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde, aadna u baacsa jiray siyaasiinta ku heybta ah ee gobolka Gedo ka soo jeeda iyo Agaasimihii hore NISA Fahad Yaasiin oo awood badan ku lahaa garoonka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan wuxuu Muqdisho u yimid arrimo ku saabsan muranka la geliyey xildhibaanadii 16-ka ahaa ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq, kuwaas oo kooxda Farmaajo ay ka garab dhistay xubno lagu soo doortay Garbahaarey.

Maxamuud Sayid Aadan oo Farmaajo ay isku heyb yihiin ayaa Ceelwaaq kalmado garnaqsi ah Farmaajo uga soo diray maalintii la doortay xildhibaanada muranka la geliyey, isagoo ka codsaday in dhibaato dambe uusan u celin dadkiisa reer Gedo oo Jubbaland inteeda kale uu ka jaray.

Doorashadii guddoonka golaha shacabka wax metelaad ah kuma laheyn gobolka Gedo, waxaana taasi inay dhacdo dadaal xoog leh ku bixiyey madaxweyne Farmaajo oo ka shaqeynaya danihiisa dib u doorashada, waxaana macquul ah in doorashada Madaxweynaha dalka aysan Gedo metelaad ku yeelan hadii uusan go’aan dhaqan gal ah soo saarin guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo arrintaan la wareegay.