Dab ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dab xoogl eh ayaa ka kacay Maanta Kaalin Shidaal oo ku taalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan kasoo horjeedka Isbitaalka Benaadir.

Sida dad goobjoogayaal ah ay  sheegeen, dabka ayaa gaaray Farmashiye iyo Dukaan ku dhegen Kaalinta shidaalka ee la sheegay in dabka uu ka bilawday, waxaana burburay dhismaha labada xarumood, iyadoo markii dambe ay halkaasi gaareen gaadidka dab damiska Shirkadda Hormuud iyo Gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan kooxda dab damiska waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay ku wargeliyeen goobaha gubanaya isla markaasna ay u dhaqaaqeen muddo kooban kadibna ay ku guuleysteen in ay damiyaan.

Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu dhaawac kasoo gaaray dabkaasi, sidoo kale ay jiraan khasaaro maaliyadeed oo xooggan oo dabkaas ka dhashay.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dabka qabsada kaalmaha shidaal iyo goobaha ganacsiga, waxaana inta badan la garan waayaa sabaha keenay dabka.