Dhageyso: Dabageed oo ka jawaabay gefkii Cali Dheere ee Xawaadle iyo Habargidir

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ayaa si adag uga jawaabay hadalkii Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo habeen ka hor sheegay in u gafay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Cali Dheere ayaa sheegay in beelaha kacdoonka wada ee Al-Shabaab la dagaalamaya ay yihiin kuwii ‘isbaarooyinka dhiga jira ee Al-Shabaab ay dadka ka hor taagnaayeen’ sida uu hadalkiisa u dhigay.

Madaxweyne Yuusuf Dabageed oo wareysigaan siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa gef-cad ku tilmaamay warkii Cali Dheere oo beelaha la dagaalamaya ee Xawaadle iyo Habargidir ku tilmaamay “tuugo dadka dhici jirtay gabdhahana gufsa jirtay.”

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa meesha ka saaray hadii warka Cali Dheere uu saameyn ku yeelanayo beeshiisa Murusade, isagoo si cad u sheegay in Murusade oo Cali Dheere ka soo jeedo iyo Xawaadle ay isku dhaarsadeen dagaalka Al-Shabaab.

“Warka Cali Dheere Murusade u nisbey meyno, dhibka ay Al-Shabaab nagu hayaan ayey Murusade ku hayaan, anaga iyo Murusade go’aan ayaan ku gaarnay inaan iska dhicino Al-Shabaab, umada Soomaaliyeed oo dhan ayaa qaadatay go’aankaas,” ayuu yiri Dabageed.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka oo jawaab u ahaa kii Cali Dheere ayuu si weyn ugu dheeraaday in ninkaas uu islaamnimada been ka sheegayo oo diinta islaamka uu ku been abuuranayo, isagoo baneynaya in dadka Soomaaliyeed lagu laayo.

Ugu dambeyntii Yuusuf Dabageed ayaa Cali Dheere ugu baaqay in towbada Alle uusan ka quusan dadkaan Soomaaliyeed-na uu dhibaatada ka dhaafo, hatii taas laga waayana wuxuu wacad ku maray in dadka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab soo afjari doonaan mar aan dheereyn.

Hoos ka dhageyso wareysiga