James Swan oo shaaciyey arrin ay QM ka ballan-qaaday Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo maanta ka degay magaalada Kismaayo ayaa shaaciyey qodobadii uu kala hadlay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, kadib kulan dheer oo ay ku yeesheen Madaxtooyada maamulkaas ee Kismaayo.

War-saxaafadeed uu kulankaas ka soo saaray xafiiska James Swan ayaa lagu shaaciyey in Qaramada Midoobey ay Axmed Madoobe ka balan qaaday baahinta ama hoos u daadejinta maamulkiisa.

“Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in ay Jubbaland ku taageerto dhisidda golayaasha degmooyinka, iyo sii wadidda dib-u-heshiinta gudaha Jubbaland. Waxa aan sidaa darteed boorrineynaa metelaadda ay mudan yihiin haweenka, dhallinyarada, iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay ee dowladnimada iyo hoggaanka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu baahiyey xafiiska wakiilka QM.

Sidoo kale James Swan wuxuu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu kala hadalay mowduucyo dhowr ah oo la xiriira dhibaatooyinka bini’aadanimo, baahiyaha kale ee dhinaca horumarka, xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo kuwa amni ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Qoraalkaan waxaa lagu cadeeyey in James Swan iyo Axmed Madoobe ay diiradda ku saareen ka arrinsiga sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobey ay u taageeri karto Jubaland.

Ugu dambeyntii arrimaha bini’aadanimada ee ka jira Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya ayuu wakiilka QM qoraalkaan ku balan qaaday inay laba jibaari doonaan dadaalkooda caawinta dadka Soomaaliyeed ee abaaraha daran wajahaya.

Balan qaadka taageerada QM ee maamulka Axmed Madoobe wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmo ka hor baarlamaanka maamulkaas uu Axmed Madoobe u sameeyey mudo kororsi hal sano ah, tallaabadaas oo ilaa hadda dolwadda dhexe aysan cadeyn mowqifka ay ka taagan tahay.