DF oo shaacisay waddada kaliya ee u furan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadlashay howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo kamid ah gobolka Hiiraan, ayaa sheegtay in wadada kaliya ee u furan xiligaan Al-Shabaab ay tahay inay isku soo dhiibaan dowladda.

Qoraal ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay dharbaaxo culus la kulmi doonto haddii ay diidana arrinkaas dhalinyarada Shabaab ka dhinac dagaalameysa.

“Ma jirto waddo aan ahayn inay isa soo dhiibaan oo u furan dhallinyarada ay argagixisadu khaldeen. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka daran ee Al Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in si habsami leh u socdaan howl-galada ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo lagu sheegay in deegaano dhowr ah looga qabsaday kooxda, lana gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

“Ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa weli wada hawl-galo is daba-joog ah, si loo xaqiijiyo argagixisada arxanlaaweyaasha ah in aanay helin goobo ay gabaad ka dhigtaan.”

Waxaa weli ka socda gobolka Hiiraan dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo iska kaashanayaan maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay howl-galadan ayaa shaacisay in lagu dilay ugu yaraan illaa 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, tan iyo markii ay bilowdeen kacdoonka shacabka.