Xijaar oo booliska adduunka u gudbiyey warbixin la xariirta argagixisada Soomaaliya

Lyon (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo hoggaaminaya wafti ka kooban Saraakiil Sarsare oo ka socota Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Lyon ee dalka Faransiiska kaga qayb galay shirka Booliska Adduunka (INTERPOL).

Shirkaas waxaa isugu yimid saraakiisha ugu sareysan ee booliiska dowladaha Bariga Dhexe, Bariga iyo Waqooyiga qaaradda Afrika, wuxuuna Taliye Xijaar halkaas ka jeediyey warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee Soomaaliya.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen madaxda booliska ee in ka badan 20 dal, ayaa waxaa looga hadlayey wax-ka-qabashada arrimaha argagixisada, denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan halis ku ah guud ahaan amniga caalamka.

Taliye Xijaar ayaa warbixintiisa diiradda ku saaray arrimaha argagixisada ka jirta Soomaaliya iyo dembiyada ay ka geystaan, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay siday u soo afjari laheyd argagixisada caqabada ku ah ammaanka guud ee dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Adduunka ee INTERPOL oo xafiiskooda Soomaaliya dib uga hawl-galiyey magaalada Muqdisho bishii 7-aad ee sanadkii 2021-kii.

Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay xoghayaha guud ee booliska Adduunka ee INTERPOL Jurgen Stock, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo INTERPOL ee dhinacyada ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada.