Dacwad halis ah oo laga gudbiyay Xasan iyo qorshe uu damacsan yahay oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Axsaabta mucaaradka Somalia ay dacwad ka gudbiyeen Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Dacwada ay gudbiyeen Axsaabta ayaa la sheegay inay salka ku heyso arrimaha doorashooyinka dalka, waxa ayna Axsaabta ku andacoonayaan in Xassan Sheekh uu dhaxal-tooyo ka dhigtay Xukunka dalka.

Dacwada ayaa la sheegay in lagu cadeeyay in Xassan Sheekh uusan diyaar u aheyn inuu qabto doorashada 2016-ka hayeeshee taa bedelkeeda uu ku rajo weyn yahay inuu sii hayo xilka isagoo wakhti lumis ka dhigaaya caqabado lama gudbaan ah oo heysta dowlada.

Dacwadaani ayaa la sheegay inay gashay gacanta Ergayga garka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, waxaana laga dalbaday inuu ka dhiidhiyo dib u dhacyada caadada looga dhigay doorashooyinka dalka.

Michael Keating, ayaa aqbalay dacwada waxa uuna ballanqaaday inaanu ka jiifan doonin wax ka qabashada dacwada ka dhanka ah Xassan Sheekh.

Geesta kale, Dacwadaani ayaa imaaneysa iyadoo Xassan Sheekh uu doonaayo in wakhtiga uu kusii dheereysto dib u dhacyada doorashooyinka.

Caasimada Online
Xfiiska Muqdisho
Caasimada@live.com