Xog: Faarax C/qaadir oo rajada Xasan Sheikh dib usoo nooleynaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda ololo lixaad leh oo ay wadaan Musharaxiinta ku loolameysa doorashada Somalia ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in ololaha ugu badan uu wado Xildhibaan Faarax C/qaadir oo saaxiib dhow la ah Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Faarax oo Guddoomiye ka ah Guddiga cod raadinta u qaabilsan Xassan Sheekh ayaa awoodiisa isugu geeyay raadista Xubnaha kamid noqon doona Baarlamaanka Somalia, si ay u wada galaan Heshiis dhigaaya in codka lasiiyo Xassan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Faarax ayaa helitaanka Xildhibaanada cusub ee bixin doona codadka u kaashanaaya qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee iyagu diyaarinta ku howlan.

Faarax waxa uu sidoo kale, helitaanka codadka uu kusoo bixi lahaa Xassan Sheekh u kaashanayaa inkabadan 7 Siyaasi oo kasoo kala jeeda Todobo qabiil oo kala ceyn ah kuwaasi oo Faarax ka caawinaaya isku xirka.

Faarax ayaa iminka Xassan Sheekh u haya codad kor u dhaafaya Sodon kuwaasi oo laga sii diiwaan galiyay Siyaasiyiin iyo Xildhibaano hore oo kamid noqon doona Baarlamaanka cusub ee wax dooran doona.

Faarax C/qaadir ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuula sida uu kusoo laaban lahaa Xassan Sheekh, waxaase jira Musharaxiin kale oo dagaal kula jira Xassan isla markaana ka shaqeynaaya sida uusan kusoo laaban laheyn Madaxweynaha uu wakhtigiisa dhamaaday.

Ma cadda halka ay sal dhigan doonto doorashada Somalia, waxaana iminka si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda baadi-goobka codadka Xildhibaanada imaan doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com