Qarax ka dhacay Muqdisho iyo ruuxii waday gaariga oo arrin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax gaari uu ka dhacay xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Gaari la sheegay in lagu xiray waxyaabaha qarxa ayaa lagu qabtay degmada Yaaqshiid, balse gaariga ayaa ku qarxay xaafada Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in gaariga ilaa xalay lagu raadjoogay.

Ruuxii waday gaariga ayuu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen su’aalana ay weydiinayaan laamaha amaanka sida uu sheegay afhayeenka.

 

“Xalay dhan ayaa gaariga la daba joogay, ruuxii watay ayaa la qabtay, dhaawac yar ayaa jira kaliya, ruuxii la qabtay bastoolad ayuu watay”ayuu yiri.

Gaariga qarxay oo noociisa ahaa SURF ayaa wuxuu sababay dhaawacyo soo gaaray ciidamo ku howlanaa baaritaankiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com