Dad badan oo ku dhintay roobka Gu’ga oo ka curtay qaar ka mid ah gobollada dalka

Baardheere (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka curtay oo ka da’ay roobka Gu’ga, meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa khasaare nafeed oo xoog leh.

Gobollada Gedo, Mudug iyo Galgaduud ayaa laga soo werinayaa khasaaraha ugu badan, ugu yaraan 3-qof ayaa saacadihii u dambeeyey ku geeriyootay magaalada Baardheere.

Dadkaan waxaa dilay daadad ku soo rogmaday magaalada iyo fatahaad uu sameeyey wabiga Jubba, horay ku dhawaad 10 qof oo kale ayuu roobkaan ugu dilay Baardheere.

Caasimada Online waxay heshay magacyada 3-dii qof ee ugu dambeysay dadka uu roobku ku dilay Baardheere oo isku qoys ah, waxayna kala yihiin, Hooyo Farxiyo Xaaji Daahir, Gabadheeda Ikraan Cabdi Cali Baarte iyo Wiil yar oo ay dhashay Ikraan.

Gobolka Mudug roobku wuxuu ku dilay Geel badan, kadib markii ay Biriq ku dhacday, waxaana lasoo bandhigay muuqaal muujinaya geelaha oo wada baqtiyey.

Dhuusamareeb waxaa laga soo werinayaa khasaare nafeed oo roobkaan uu geystay inkastoo aan si rasmi ah loo soo bandhigin inta uu la egyahay, hadana magaalada waxaa harqiyey daadad ku soo rogmaday.

Waxaa la sheegay inuu soo fatahay biyo xireen dhinaca waqooyi galbeed ka xiga magaalada, taasi oo sababtay in guud ahaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ay biyo harqiyaan.

Waxaa socda dadaallo ay shacabka iyo maamulladu wadaan oo biyaha looga saarayo magaalooyinka Baardheere iyo Dhuusamareeb, khasaaraha ugu badan wuxuu gaaray Baardheere oo guryo badan iyo buundadii magaalada ay burbureen, dad ka badan 13 qofna ay ku dhinteen.

Magaalada Xudur oo ka mid aheyd magaalooyin ay dadka ku nooli wajahayeen abaarta ugu daran ayaa saacadihii lasoo dhaafay roobsatay, sidoo kale deegaano badan oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa laga soo werinayaa inay ka hoortay nimcada rabbi.