Maxaa ka jira in afhayeenka Somaliland ay ciidan hubeysan ku weerareen xafiiskiisa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa markii u horeysay ka hadlay warar si weyn u baahay oo sheegayay in ciidamo hubeysan ay xafiiskiisa ku weerareen.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliland ayaa beeniyay wararkaasi oo saacadihii ugu dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada, isaga oo ku tilmaamay kuwa qeyb ka ah weeraro joogta ah oo lagu hayo, sida uu sheegay.

“Warbaahinta bartilmaameedka ka dhigta Saleebaan Koore mar ay yidhaahdaan waa la weeraray iyo mar ay yidhaahdaan wuu iscasilay, subax kasta oo soo kaco war ayaa la ii sheegaa, marka dad badan oo ku yaqaan iyo kuwa ehelka ayuu dhibaya warka beenta ah oo u qaadanaya run,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda Somaliland.

Wasiir Koore ayaa sidoo kale waxa uu xusay in aanu isagu akhrisan wararka laga qoro, islamarkaana anay dhibaynin, laakiin markasta ay ehelkiisa ka murugoodan oo ay run u qaataan, “Qof aan u jawaabayo majirto ee dadka ay gilgilayso ayaa waxaa leeyahay waxaasi waa waxba kama jiraan.”

“Kuwa qoraya sii badiya ayaa odhan lahaa cayda,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isaga oo muujinaya in aysan wax saameyn ah ku laheyn weerarka uu sheegay inuu uga socda baraha bulshada.

Hadalka afhayeenka xukuumadda Somaliland ayaa meesha ka saaraya warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in ciidamo ka gadoodsan askar ku dhintay dagaalka Laascaanood ay wasiirka ku weerareen xafiiskiisa, iyaga oo ka caraysan dagaalka socda.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli aan weli xal loo helin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay bishii labaad, islamarkaana uu sababay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburka magaalada.