DF Soomaaliya oo soo saartay DIGNIIN ku wajahan 9 gobol

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobolada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyin kamid ah gobalada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose ay asbuucan ka da’i doonaan sida saadaaashu sheegayso roobab cabirkoodu gaarayo illaa 100mm.

“7-da casho ee soo socota oo ah asbuuca afaraad ee bisha Maarso 2023-ka waxay saadaashu roobka xilliga Gu’gu muujinaysaa in roobaab fiican ay ka di’i doonaan qaar kamid ah gobollada dalka sida gobolada Waqooyi-Galbeed, Sool, Bari, Bakool iyo Galgaduud ayaa sida saadaashu sheegayso waxay heli doonaan roobab fiican oo cabirkoodu gaarayo 30 illaa 40 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA.

Hay’adda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in degmooyin kamid ah gobolada Sanaag, Bay, Jubbada Hoose, Gedo iyo Hiiraan ay heli doonaan roobab aan badneyn oo qiyaastii cabirkoodu yahay inta u dhaxeysa 5 illaa 10mm, sida ay muujineyso saadaashu.

“Haddii roobka la filayo toddobaadkan ay u da’aan sida saadaashu sheegeyso waxay geysan karaan khasaare ka dhasha fatahaado iyo daadad saameya naf iyo maalba,” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday SODMA.

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxay uga digtay bulshada ku nool gobolada kor ku xusan in ay ka feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidooda, ayna ka fogaadaan inay ku socdaan ama biyo u doontaan togaga biyo marayaan xilliga roobku da’ayaan.

“Bulshooyinka miyiga degan waxaa talo lagu siinayaa inay ka taxadaraan biyaha ugu horeeya ee uu roobku dhigo, sababtoo ah waxaa ka dhalan kara cuduro, sidaas darteed waa in la ilaaliyaa nadaafada iyo faya-dhawrka.”

Qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri “Dadka ku nool gobolada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose waxaa loo soo jeedinayaa in meel okor fiican leh ay geeyaan xoolaha jilicsan, si ay uga badbaadan saameynta ka dhalan karta biyaha roobabka xoogan ee la saadaalinayo.”