Dagaallada u dhaxeeya ciidmada DF oo weli ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Federaalka ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka kala duwan, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay laba ciidan oo la kala saftay laba qoos oo isku hayay dhul ciidankaan ayaa hore sidaan oo kale shan maalmood oo is xig xigta ku dagaalamay Xaafadda Jamhuuriya.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu yahay Seddex, halka dhaawacana uu yahay mid kor u dhaafay afar.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Odayaal kala matalaya labada dhinac ee is haya ayaa wada dadaalo lagu dhameynayo colaada soo laab laabatay.

Maleeshiyada dagaalamaya oo ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa hada u abaabulan hab qaabiil waxayna isku heestaan dhul banaan oo halkaasi ku yaala, Dowladda soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay wax ka qabato dagaalkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com