Erdogan oo sheegay in 3 arrin midkood ay noqon doonto rabitaanka Israel ee Qudus

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa mar kale sheegay in dowladiisa ay talaabo cad ka qaadi doonto Israel oo uu sheegay inay tahay dowlad taakuleysa kooxaha argagixisada.

Recep Tayyip Erdogan, waxa uu tilmaamay haddii ay imaado xaqiiqda in dowlada Mareykanka aysan garab siin doonin Israel balse iminka la doonaayo in laga fiirsado ficilada la sameynaayo.

Recep Tayyip Erdogan, waxa uu carabka ku dhuftay in qorshaha Mareykanka iyo Israel uu yahay mid lagu kicinaayo xasiloonida ka jirta adduunka.

Erdogan ayaa dowlada Israel ku sheegay inay noqon doonto Seddex arrin midkood oo uu sheegay inay soo ifbixi doonto  haddii ay sii taagnaato faragalinta lagu hayo Qudus kuwaa oo kala ah:

1-In Israel ay awoodeeda iyo dhulka ay ku magacaaban tahay ku weyn doonto carqaladeynta Qudus.

2-In sabab ay u noqoto colaad ay ka dhalan doonto cawaaqib oo dhexmarta dunida islaamka iyo kuwa kale ee heysta diimaha kiristaka oo garbinaaya Yahuuda.

3-In Israel ay aqoonsan doonto awoodeeda oo ay qeyb ka noqon doonto dowladaha ka shaqeynaaya Nabadda Qudus.

Recep Tayyip Erdogan, ayaa Yahuuda ku sheegay kuwo aan ka sineyn in Qudus laga dhigo caasimada Israel sabab uu ku sheegay in shucuubta adduunka aysan diyaar u aheyn colaad salka ku heysa arrimo diimeed.

Sidoo kale, waxa uu cod dheer ku sheegay in Israel leyska celin doono haddii ay kasoo gudubto xadkeeda, maadaama laga nabad-galay shacabka reer Falastiin.

Haddalka Recep Tayyip Erdogan, ayaa imaanaya xili magaalada Istanbuul lagu qabtay shir looga soo horjeedo Go’aanka Trump uu Qudus uga dhigay caasimada Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com