Weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Xero ciidan oo ku taal magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday ismiidaamin uu saaka aroortii ka dhacay barxada iskool buluusiya ‘’ General Kaahiye’’ ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay ruux ku labisnaa Jaakada Qaraxa, waxa uuna is Qarxiyay xili uu dhexda kaga jiray ciidamo ka tirsan Booliska oo goobta ku sugnaa.

Ciidamada uu naftii haligaha isku miidaamiyay ayaa xiligaa ku guda jiray diyaar garowga dabaaldaga 20 -ka December oo ku beegan Aas Aaska Ciidanka Boliska, waxa ayna ciidamadaasi ahaayen kuwo lasii baraayay gaada ka cayaarka ka hor inta aan la gaarin maalinta dabaaldaga.

Askari kamid ah kuwa Booliska ee ku sugan goobta oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu arkay dhimashada 7 Askari oo Booliis ah iyo dhaawaca in kabadan 10 askari.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in naftii haligaha uu ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska, waxa uuna dhax galay Ciidan Boolis ah oo feesto ka dhigayay Barxadda hore ee Iskuul Buluusiya.

Saraakiil iyo Ciidamo farabadan ayaa hadda ku sugan goobta waxaana sidoo kale xiran dhammaan jihooyinka laga galo barxada iskool buluusiya.

Geesta kale, Saraakiisha Booliska ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com