Xildhibaan Shaacir: Waan ka laabtay mooshinkii aan 3 maalin ka hor saxiixay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan Shaacir oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka laabtay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo uu saxiixay saddex Maalmood ka hor.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu garowsaday ka laabashada mooshinkaas oo sida uu sheegay uu ku deg degay markii hore hayeeshee hadda gartay in uu ka laabto.

Shaacir ayaa sheegay in uu la dhacsanyahay Dowladda Madaxweyne Farmaajo sida ay wax u waddo islamarkaana ay jirto sanad kaliya oo aan lagu deg degi karin mooshin hadda laga keeno.

Xildhibaannada isaga la midka ahaa ee saxiixay Mooshinka ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay ka laabtaan,islamarkaana dowladda ka joojiyaan mooshinnada.

Xildhibaanku ma sheegin sababta uu mooshin uga laabtay marka laga reebo in uu sheegay in uu iskiis u go’aansaday,waxaana sidoo kale jira Xildhibaanno kale oo saxiixay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com