Dagaal ka socda degmada Shangaani ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo rag ku hubeysan qoryaha fudud iyo kuwa culus uu ka socda magaalada Muqdisho.

Sida wararka aan ku heleyn,o dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa inta u dhaxeyso Xarunta Taraafikada iyo Madbacadda Qaranka, waxaana halkaas barakac xooggan ka bilaabay dadkii shacabka ahaa ee daganaa.

Dagaalka ayaa waxaa laga maqlayaa degmooyinka u dhow dhow degmada Shangaani, wuxuuna dagaalka bilowday markii ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay amar ku bixiyeen in laga guuro dhismo halkaas ku yaalla.

Dadkii daganaa halkaas ayaa dalbaday ciidamo hubeysan, waxaana sidaas ku bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamadii Dowladda iyo kuwii ay dalbadeen dadka dagan dhismaha la amray in laga baxo.

Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo khasaaraha ka dhashay dagaalka, welina wax war ah kama soo bixin laamaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe