Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya howl-gal ciidamada ammaanka dowlad goboleedkada Puntland saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen koox ka ganacsata waxyaabaha maanka-dooriya, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga.

Wararka ayaa sheegaya in kadib howl-galka ay iska caabin ciidanku kala kulmeen ragga ka ganacsanayey maan-dooriyaha, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalka labada dhinac, iyada oo ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana goobta lagu dagaalamay ku sugan ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Si kastaba dhowaan madaxweyne Deni ayaa amray laamaha ammaanka inay xoojiyaan amniga deegaanada maamulkaasi, kana hortegaan waxyaabaha maanka-bedala.