Dagaalka Bayle iyo Baarlamaanka, kee baa xaq u dirir ah ?

Dagaalka Xildhibaannada baarlamaanka ay kula jiraan Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey, kaddib markii ay sharci darro ku tilmaameen canshuurta ay Wasaaraddu ku soo kordhisay ganacsatada.

Dagaalkan ayaa la aaminsanyahay in uu salka ku hayo shakhsiyadda Wasiirka iyo sida uu ula dhaqmo xildhibaannada.

Beyle oo muddo ka soo shaqeynayey bangiyada caalamka iyo diblumaasiyadda Soomaaliya soona noqday  Wasiirka Arrimaha Dibadda, safiir iyo xubin ka tirsan baarlamaanka ayaa si ad-adag ula dhaqma xildhibaannada Golaha Shacabka, isagoona tix gelin waayey codsiyo kala duwan oo dano gaar ah xambaarsan oo ay u soo gudbiyeen xubno saameyn ku leh baarlamaanka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ku dhaqaaqay bartamihii bishii Oktobar ee sanadkii tagay, tallaabo lama filaan ah oo ka dhan ahayd xildhibaannada.

Sida aan wada ogsoonnahay, Wasiir Beyle ka hor xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ma aysan bixin jirin wax canshuur ah oo ku waajibtay mushaarka ay qaataan tan iyo bur burkii.

Beyle ayaa soo saaray wareegto uu ku dhaqan gelinayo caashuurtaas oo ka dhigneyd in xildhibaan kasta laga jaro mushaarkiisa lacag dhan $540 USD oo wadar ahaan noqonaysa lacag dhan $177660 USD, markii lagu qiimeeyo tirade guud ee xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka.

Lacagtaan canshuurta ah hadii ay sidaas ku dhaqan gasho waxa ay mushaar u noqon lahayd  askar kor u dhaafaysa 1776 askari.

Xildhibaannada ayaa aad uga carooday canshuurtan ah 18% in ay jaraan mushaarkooda, iyagoona cadaadis badan saarey Xukuumadda si meesha looga saaro dhaqan gelinta canshuurtan balse ugu dambeyntii waxa lagu heshiiyey in ay bixiyaan 8% qura oo tiro ahaan noqonaysa lacag ka yar $79 kun.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa bishii Todobaad ee sanadkii tagey waxa uu qandaraasyo  dowladdu leedahay ka joojiyey 17 shirkadood oo gaar loo leeyahy, isagoona shaqooyinkii ay dowladda u qaban jireen ku wareejiyey Waaxda Canshuuraha Barriga ee Wasaaaradda Maaliyadda. Taas oo qiimo weyn u lahayd dowladnimada iyo la dagaallanka musuq maasuqa.

Xogo muhiim ah ayaa sheegaya in shirkadahaan intooda badan ay lahaayeen ama saamiyo ku leeyihiin xubno ka tirsan labada Gole, tallaabada uu qaadayna Wasiir Beyle ay sabab u noqotay in ay khasaaraan boqolaal kun oo doolar.

Lama oga halka uu ku dambeynayo iyo cidda ku guuleysanaysa dagaalkan qarsoon ee ka dhex  aloosan Wasiirka Maaliyadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, balse waxaa muuqata in uu yahay mid daboolka ka feyday musuq maasuq badan oo horay u jiray iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay kali ugu yihiin bixinta canshuurta maadama qofka muwaadinka ah ee ka shaqeeya dowladda mushaar ahaanna u qaata $400 laga jaro canshuur dhan $20 USD halka xildhibaannada $3000 bishii qaata aan laga jari jirin wax lacag ah iyaga oo ay u sii dheertahay $1500 oo kale oo adeeg ah.

Waxaa qoray: Xasan Maxamed Nuur

nuur2223@gmail.com