Dagaalka labada nooc ee Maxamed Siyaad Barre!

Soomaaliya is beddelo ayaa ka dhacayay sanadihii la soo dhaafay, dadka qaar wannaaga is bedeladaas uma muuqdaan, maskaxdooda waxay ku qufulan tahay waqtiyo hore.

Weligaa ma aragtay oday raba inuu dhaho laba kun oo ay ka soo fakanayso ” laba shilin”. Ama asagoo raba inuu dhaho 2012 oo ku dhaho “1962” kii.

Waa xaalad cilmi nafsiga lagu yiraahdo “anterograde amnesia” oo ku hilmaansiisa wax walba oo hadda dhacaya, balse xusuustaada ay ku qufulnaato 20 sano ka hor wixii ka sii horeeyay.

Oday sarkaal hore ayaa oo aad u jecel Soomaaliya ayaan la sheekeystaa mar mar. Horumarka uu adduunka gaaray sanadihii dambe uma muuqdaan. Wuxuu jecel yahay Soomaaliyadii u dhaxaysay 1969- 1988.

Anagoo ka hadlayna dhibka Daacish ayuu ii sheegay in haddii ay joogi lahaayeen Jeneraal Cabdallah Maxamed Faadhil, Gen Cali Samatar iyo Col. Mattaan argagaxisada caalamka laga adkaan lahaa.

Muqdisho nabadda hadda ka jirta markaan kala hadlo weli wuxuu u heystaa magaalada qad cagaaran uu weli kala jaro oo Cali Mahdi iyo Caydiid ay kala haystaan, meel walbana isbaaro ay taallo. Ninkaan beel shaqo kuma laha, keliya nidaamkaas uu ku barbaaray ayuu la dhacsanaa!

Markii la doortay Farmaajo dad badan ayaa ku farxay, ayagoo is leh waa qof is beddel keenni kara. Laakiin dadkaas waxaa ka af dheeraaday laba kooxood oo “anterograde amnesia” qaba, oo is aflagaaddaynaya.

Markaan dersay labadaas kooxood waxaa ii soo baxday in ay isku wax u arkaan. Waxay Farmaajo u heystaan Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Keliya Siyaad Barre-yaasha ku qufulan maskaxdooda ayaa kala duwan:

A- Maxamed Siyaad Barre 1- Hoggaamiyihii Kacaankii barakaysnaa, oo barwaaqada noo horseeday, oo soo rogaal celiyay.

B- Maxamed Siyaad Barre 2- “faqash” qabyaaladiiste ah oo beel gumaaday oo soo rogaal celiyay.

Ka hor inta aadan nooca Siyaad Barre-haaga difaacin, ama aadan caayin, sax ma tahay in Farmaajo uu yahay Siyaad Barre noocuu raba ha ahaadee?

Dadka waqtiyada hore ku nool, waxaad isku dagaalaysaan wax hadda jira ma aha! Ma laha waxaad dhimateen 1991!

Farmaajo waa Farmaajo, waxa kale waa jeebkiina!

W/Q: Hassan Adam Hosow 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid